Antoine Griezmann Oo Heegan Galiyay Kooxaha Premier League

0
229

Wakiilka weeraryahanka Barcelona Antoine Griezmann ayaa lagu soo waramayaa inuu wadahadalo la yeeshay kooxaha Premier League xilli ay jiraan warar ku saabsan mustaqbalka xiddiga reer France.

Iyada oo Barcelona doonayso in ay iska iibiso xiddigeheeda ugu mushaharka badan Griezmann ayaa la fahamsanyahay in uu ka mid yahay xiddigaha ay kooxdu suuqa dhigtay.

Atletico Madrid ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa xiddiga iyada oo ay labada kooxood doonayaan in ay is dhaafsadaan isaga iyo xiddiga Sual Niguez.

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso in ay qaab amaah ah xilli ay suuqa ugu jiraan weeraryahan ay ku xoojiyaan kooxda xilli ciyaareedka cusub.

Wararka ayaa intaas ku daraya kooxaha Man United iyo Liverpool sidoo kale doonayaan saxiixa xiddiga reer France si ay u helaan saxiixiisa inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Xiddiga Griezmann ayaa la sheegayaa in uu u dhaqaaqi doono premier League hadii ay dhacdo in uu ka tago Barcelona isaga oo sidaas heegan ku galiyay kooxaha Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here