Juventus oo si weyn u qorsheyneysa inay lasoo saxiixato xiddig ka tirsan kooxda Manchester City

0
238
Massimiliano Allegri, Andrea Agnelli Juventus Roma 13-08-2017 Stadio Olimpico Juventus - Lazio Football Italian Supercup - Supercoppa Italiana Foto Andrea Staccioli Insidefoto PUBLICATIONxNOTxINxITAxFRAxSUI AndreaxStaccioli Massimiliano Allegri Andrea Agnelli Juventus Roma 13 08 2017 Stadio Olimpico Juventus Lazio Football Italian Supercup Super Coppa Italiana Photo Andrea Staccioli Inside photo PUBLICATIONxNOTxINxITAxFRAxSUI ANDREAXSTACCIOLI

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Wargeyska “The Sun” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in kooxda reer Talyaani ee Juventus ay qorsheyneyso inay lasoo saxiixato ciyaaryahanka reer Brazil iyo naadiga Manchester City ee Gabriel Jesus, inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Wargayska ayaa tilmaamay in ay kooxda Juventus xoojin doonto baacsiga ay ugu jirto saxiixa Gabriel Jesus si ay u xoojiso weerarka Bianconeri ee xilli ciyaareedka cusub.

Wararka ayaa waxay tilmaamayaan in bixitaanka Gabriel Jesus ay dhibaato weyn ku keeni karto Manchester City, maadaama ay noqon doonto koox aanan heysan weeraryahan toos ah.

Wargeyska “The Sun” ayaa wuxuu hadalkiisa intaas ku daray in Manchester City aysan la soo saxiixan karin bedelka xiddiga reer Argentina Sergio Aguero, kaasoo ka tagay xagaagan kooxda kaddib markii uu qandaraaskiisa dhacay, isaga oo ku biiray safka Barcelona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here