Xiddig Weyn Oo Ka Tirsan Chelsea Oo Maanta Ka Degaya AC Milan

0
228

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa maanta sii macasalaamayn doonta mid ka mid ah ciyaartoydeeda waaweyn oo u duulaya magaalada Milan, halkaas oo uu tijaabada caafimaadka ugu mari doono kooxda  AC Milan oo uu heshiis rasmi ah ugu wareegayo.

Halyeygii difaaca AC Milan ee Paulo Maldini oo hadda ah agaasimaha farsamada kooxdaas ayaa xaqiijiyey, in maanta ay dhamaystirayaan saxeexa weeraryahanka reer France ee Olivier Giroud oo ay kala soo wareegayaan Chelsea.

Toddobaadkii hore ayay Milan heshiis la gaadhay Chelsea kaas oo dhigayay in ay 2 milyan oo Euro ku iibsato gool-dhaliyaha ruug-caddaaga ah, waxaana ugu dambayn uu laacibkani u safrayaa Milan maanta oo Khamiis ah oo uu mari doono tijaabada caafimaadka, ka hor inta aan si rasmi ah loogu soo bandhigin warbaahinta.

Paulo Maldini oo xalay saxaafadda la hadlayay ayaa yidhi: “Haa, Giroud berri [maanta] ayuu imanayaa. Olivier waa horyaal iiyo ciyaartoy hadda ku guuleystay Champions League.

“Waa ciyaartoy la isku hallayn karo, waxa aanu muddo raadinaynay ciyaartoy khibrad leh sidiisa oo kale. Waxa aanu nahay kooxda horyaalka Serie A-da haysata ciyaartoyda ugu da’da yar leh.”

Maldini waxa kale oo uu sheegay, inuu kooxdooda iman doono ciyaartoy kale oo afka hore ee weerarka ah oo da’yar, laakiin ma sheegin qofka uu yahay.

“Weeraryahan da’yar ayaa sidoo kale iman doona. Qorshahayagu waa in aanu seeska u dhigno kooxdan kaddibna aanu sugno wajiga ugu dambeeya ee suuqa iibka.” Ayuu yidhi.

Mustaqbalka laaciba khadka dhexe ee Franck Kessie oo hadal-hayn kasoo baxaysay ayaa uu sidoo kale ka hadlay, kaas oo lala xidhiidhinayay kooxaha Tottenham iyo Arsenal, laakiin Maldini waxa uu meesha ka saaray in uu laacibkani meelna u socdo.

“Waxa uu qayb ka noqoin doonaa mustaqbalka Milan, waxaananu ka shaqaynaynaa cusboonaysiinta heshiiskiisa.” Ayuu yidhi.

Kessie ayaa galay sannadkii ugu dambeeyey ee qandaraaskiisa AC Milan, waxaana laga cabsi qabaa in uu si xor ah kaga tago dhamaadka xilli ciyaareedka, sidii ay hore u sameeyeen Calhonaglu iyo Donnarumma oo xagaagan ka tegay markii ay qandaraasyadoodu dhamaadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here