Man City Oo U Dhaqaaqaysa Xiddig U Soo Ciyaaray Liverpool.

0
204

Kooxda Man City ayaa lau soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddigii hore ee kooxda Liverpool haatana u ciyaara Southampton ee Danny Ings si ay ugu badasho Xiddiga Sergio Aguero.

Danny Ings, oo 29 jir ah, ayaa si joogto ah uga tagay Liverpool xagaagii 2019, isaga oo ku biiray kooxda Southampton kuwaas oo xiddiga ka bixiyay lacag dhan 22 milyan oo euro.

Xiddiga Danny Ings ayaa soo jiitay ayaa soo jiitay indhaha kooxda Man City kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay tan ilaa markii uu ku biiray kooxda Southampton

Shabada Goal ayaa sheegtay in ay kooxda Man City indhaha ku hayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga reer England si ay ugu buuxiso booska uu ka tagay xiddga Serio Aguero.

Tababare Pep Guardiola ayaa la dhacsan tayada weeraryahanka waxana uu u arkaa in uu yahay xiddiga kaliya ee buuxin kara booska Aguero ee lagu heli karo qiimo aad u yar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here