Xulka Italy Oo England Ku Garaacay Koobka Euro 2020

0
277

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kulan xiiso lahaa ayaa ka dhacay garoonka Wembley kana tirsanaa Final-ka Euro 2020 kaas oo ay isaga hor yimaadeen xulalka Italy iyo England.

Xulka England oo kaashanaya taageerayaashiisa ayaa si dar-dar leh ku bilowday ciyaarta iyaga oo qaadayay weeraro rogaal celis iyaga oo ka faa’iidaysanayay in uuna xulka Italy nidaamin difaaciisa.

Daqiiqadii 2-aad ayuu xulka Italy dhaliyay gool wakhti hore ah iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Luke Shaw kaas oo hogaanka ciyaarta si lama filaan ah ugu dhiibay xulkiisa.

Xulka England ayaa sii waday dar-darta iyaga oo dhawr mar khatar galiyay goolka xulka Italy kana dhalin gaadhay goolal kale xilli uu xulka Italy ku bilowday qaab khal-khal ah ciyaarta.

Xulka Italy ayaa doonayay in ay dijiaan ciyaarta iyaga oo maamulayay ciyaarta xilli xulka England ciyaarayay kubad orod ah taas oo ay ku halis galiyeen xulka Italy.

Dhanka kale xulka England ayaa si fiican u difaacday iyaga oo aamusiyay weerarka xulka Italy qaybtii hore ee ciyaarta si fiicana u joojiyay xiddigaha weerarka xulka Italy.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ku dhamaatay natiijo 1/0 ah oo uu xulka England ku hogaaminayo ciyaarta waliba u muuqdeen kuwo sii wadaya qaab ciyaareedka fiican.

Qaybtii dambe ayaa ku bilaabatay si ka duwan sidii hore iyada oo uu xulka Itly ciyaarta la soo galay dar-dar iyaga oo doonayay in ay ciyaarta ku soo laabtaan.

Xulka England ayaa dhankiisa u muuqday kuwo daalay qaybtii dambe marka loo eego dadaalkii waalida ahaa ee ay sameeyeen qaybtii hore ee ciyaarta.

Daqiiqadii 67-aad ayuu xulka Italy helay goolka bar-baraha kadib dadaal badanaa ee ay sameeyeen kuna doonayeen in ay ku dhaliyaan goolka bar-baraha waxana u dhaliyay daafaca Leonardo Bonucci kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Wixii goolkaas ka dambeeyay xulka Italy ayaa u muuqday mid doonayay in ay ciyaartu dhamaato waliba toos rikoodhayaal loo gaadho iyaga oo daal bestood noqday waliba aan lug qaadi karin.

Labada xul ayaa ku fashilmay in ay wax goola ah kala dhaliyaan 90-kii daqiiqo ee ciyaarta iyada oo ay labada xulba soo bandhigeen qaab ciyaareed oo cajiib ah.

Garsooraha ayaa ku daray 30 daqiiqo si ay labada xul u kala baxaan loona helo xul ay guushu gaadho maadama koob lagu dagaalamayo.

Laakiin labada xul ayaan wax gool ah kala dhalin wakhtigii dheeriga ahaa inkasta oo ay labada xulba sameeyeen fursado fiican oo cajiib ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Italy sidaas markii 2-aad ee taarikhdiisa ugu guulaystay koobka Euro 2020 kadib markii ay rikoodhayaal 4/2 ku badiyeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here