Xisbiga Abiy oo Ku Guuleystay Aqlibiyadda Kuraasta Baarlamanka

0
192

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Xisbiga haya talada dalka Itoobiya ee Prosperity ee uu hoggaamiyo Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed ayaa ku guuleystay tiradii ugu badneyd ee kursaasta Baarlamaanka dalkaas, sida uu shaaciyay guddiga doorashooyinka Qaranka Itoobiya.

Guddiga doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay in xisbiga talada haya uu helay 410 kursi oo ka mid ah 436 lagu tartamay Baarlamaanka Federaalka.

Shan meelood oo meel dalkaasi ayaanay doorasho ka dhicin dhibaatooyinka la xariira dhanka farsamada ah iyo ammaan darro aawadood.

Deegaannada aanay doorashadu ka dhicin ayaa loo asteeyay in 6-da bisha September ay ka qabsooto doorasho gobolka Tigray ayaan isagu wali la ogayn xilliga ay doorashadu ka qabsoomi doonto.

Doorashada ayaa markii horeba dib loogu dhigay cudurka Covid-19 awadii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here