Kiisaska COVID-19 ee dalka Canada oo hoos u dhacay

0
221

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kiisaska maalinleha ah ee COVID-19 ee gobolka Ontario ee dalka Canada ayaa lagu soo warramayaa inuu ku yimid hoos u dhac weyn.

Wasaaradda caafimaadka gobolka Ontario ee dalka Canada ayaa tilmaamtay in hoos dhacan ku yimid kiisaska COVID-19 uu horseedi doono in la khafifiyo xayiradaha cudurka karoona feyris.

Madaxa gobolka Ontario ee dalka Canada ayaa sheegay in dib loo furi doono goobaha ganacsiga oo sameyn weyn kala kulmay xayiradii COVID-19.

Bulshada ku nool gobolka Ontariya ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin hoos u dhaca ku yimid tirada kiisaska COVID-19 islamarkan ay rajeynayaan in bishan July la qaado xayiradaha lagu xakameynayay cudurkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here