Neef lo’ ah oo lagu tartamayo sidii sawirro loola gali lahaa dalka Bangladesh

0
222

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Beer ku taala dalka Bangladesh waxaa ku sii qulqulaya boqollaal qof, si ay u arkaan sac caan ah oo cilin ah, kaas oo loo yaqaano Rani.

Neefkan lo’da ah oo aad u baryar, wuxuu jiraa 23-bilood, wuxuuna dheererkiisu yahay 51 sentimitar oo keliya, culeyskiisuna waa 28 kilo gram.

In kasta oo ay jiraan xayiraadaha ‘Covid- 19 ah, hadana in ka badan 15,000 oo qof ayaa lagu soo waramayaa in saca ay ku booqdeen beerta uu ku sugan yahay oo ku taal Charigram, oo u dhow caasimadda Dhaka.

Maamulaha beerta Xasan Howladar ayaa dalbaday in lagu daro Buugga diiwaanka mucjisooyiinka ee Guinness, isagoo sheegay in neefka Rani ay tahay lo’da ugu gaaban adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here