Kenya oo Heshay Deeq Cusub oo Tallaalka Covid-19 ah

0
222

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Dalka Kenya ayaa la soo gaarsiiyay 182,000 oo dhibcoo oo ah tallaalka AstraZeneca ee ka hortagga xanuunka Covid-19.

Tallaalkan ayaa ah deeq dalka Faransiisku ugu talagalay Kenya isaga oo u soo marsiiyay hay’adda tallaallada ee Covax.

Dr Willis Akhwale madaxa howlwadeennada tallaalka Kenya ayaa sheegay in ay ka mahadcelinayaa deeqdan qiimaha badan ee lagu xoojinayo la dagaallanka xanuunka Covid-19 ee ka socda dalka Kenya.

In ka badan hal milyan oo Kenyan ah ayaa qaatay dhibcaha wajiga kowaad ee tallaalka Covid-19 iyada oo nus milyan kalena ay dhamaysteen labada weji ee tallaalka.

Barnaamijka tallaalka Covid-19 ayaa xoogga saaray mudnaanta tallaalka ee howlwadeennada daryeelka caafimaadka, dadka da’da ah iyo kuwa qaba xanuunnada aan laga bogsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here