Kooxda Bayern Munich oo ku dhawaaqday in qalliin lagu sameeyey Lucas Hernandez

0
287

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa ku dhawaaqday goordhow in qallin lagu sameeyey ciyaaryahankeeda Lucas Hernandez.

Naadiga reer Jarmal ee Bayern Munich waxa ay shaacisay in Lucas Hernández uu maray qalliin jilibka ah oo lagu guuleystay.

Lucas wuxuu la kulmay dillaac dhanka jilibka ah waxaana dhaawacaas uu soo gaay intii uu xulkiisa qaranka Faransiiska kala qeyb galayey tartanka Euro 2020.

Bayern Munich waxa ay xaqiijisay in qalliinka jilibka looga sameeyey ciyaaryahan uu yahay mid lagu guuleystay, isla markaana uu Hernández durbadiiba bilaabayo soo kabashadiisa.

Agaasimaha ciyaaraha ee Kooxda Bayern Munich, Hasan Salihamidžić ayaa yiri: “Waxaan u rajeynaynaa Lucas caafimaad wanaagsan oo deg deg ah, dhaqaatiirteenna aad ayey ugu qanacsan yihiin sida uu qalliinku u dhacay, isaga si buuxda ayaa loo heli doona markale todobaadyo yar gudahood”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here