Xulka England oo si raaxo leh ugu soo baxay wareega Afarta ee Koobka EURO 2020

0
267

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Xulka Qaranka Engaland ayaa u gudbay wareega Afarta ee Koobka EURO 2020 kaddib markii uu guul kaga gaaray dhigiisa Ukraine, 0-4, kulan qeyb ka ahaa wareega Siddeeda ee tartanka Qaramada Qaarada Yurub.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 uu ku hoggaaminayay xulka qaranka England.

Daqiiqadii 4-aad ee ciyaarta Xulka Qaranka Engaland ayaa hoggaanka u qabtay dheesha kaddib markii uu 0-1 ka dhigay weeraryahankooda Harry Kane waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Raheem Sterling.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

46 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd Ingiriiska ayaa dhaliyay gool labaad iyada oo 0-2 uu ka dhigay kabtan Harry Maguire oo madax kaga faa’ideystay kubad si qurux badan kaga timid Luke Shaw.

Daqiiqadii 50-aad Harry Kane oo caawin ka haleyay Luke Shaw ayaa wuxuu hoggaanka u sii dheereeyay xulkiisa Qaranka Engaland, wuxuuna dheesha ka dhigay 0-3.

63 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd Xulka Qaranka England ayaa hoggaanka sii dheereystay kaddib markii uu 0-4 ka dhigay kabtanka kooxda Liverpool ee Jordan Henderson, waxaana goolkan ka caawiyay Mason Mount.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-4 uu kaga adkaaday xulka qaranka England dhigiisa Ukraine, kulan qeyb ka ahaa wareega siddeeda, iyadoo wiilasha lagu naaneyso saddexda libaax ay u gudbeen afar dhammaadka Koobka Qaramada Qaarada Yurub ee 2020, waxayna kula ciyaari doonaan Denmark.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here