Peru iyo Brazil oo usoo gudbay wareegga afar-dhammaadka Copa America 2021

0
264

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Waxaa xalay la ciyaaray laba kulan oo ka tirsan tartanka Copa America 2021 wareeggiisa rubac-dhammaadka iyadoo labo ka mid ah xulalkii xalay ciyaaray ay u gudbeen wareegga xiga ee nus-dhammaadka.

Xulka qaranka Peru ayaa dhegaha ku dhuftay xulka Paraguay kulan aad u xiiso badan oo ku dhammaaday 3-3 waqtigii caadiga ahaa, waxaana ugu dambeyn rigooreyaal lagu kala saaray xulka Peru kaasoo 10 ciyaaryahan ku dhammeystay shantii daqiiqo ee ugu dambeysay kulanka maadaama uu casaan qaatay Andre Carrillo.

Xulka Peru oo xalay ku duulayay weeraryahankii kusoo baxay AC Milan ee Gianluca Lapadula ayaa natiijada rigooreyaasha uu kusoo baxay Paraguay ugu awood sheegtay 4-3.

Dhinaca kale, xulka Brazil ayaa dhiggiisa Chile ku suul daaray gool qurux badan oo uu dhaliyay Lucas Paqueta daqiiqaddii 46-aad ee ciyaarta.

Hase ahaatee, xulka marti gelinaya tartanka ayaa ciyaarta soo aaddan weyn doona Gabriel Jesus oo casaan toos ah loo taagay kulankii xalay kaddib markii uu cagtiisa wajiga ka saaray Eugenio Mena oo u ciyaara xulka Chile.

Si kastaba ha ahaatee, xulalka Peru iyo Brazil ayaa usoo baxay wareegga afar-dhammaadka tartanka xulalka Koonfurta Ameerika ee sanadkan lagu qabanyo Brazil inkastoo markii hore lagu jadwaleeyay Argentina iyo Colombia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here