Qoys 50 bilyan oo doollar si lama filaan ah ku helay

0
236

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Qoys ku nool magaalada Louisiana ee dalka Maraykanka ayaa la kulmay arrin filan waa ah kadib markii ay ogaadeen in $50 bilyan oo doollar si lama filaan ah loogu shubay akoonkooda bangiga, sida ay sheegayaan warbaahinta dalka Maraykanka.

Darren James, oo 47 sano jir ah, ayaa sheegay inuu ka yimid xaruntiisa shaqada ee Baton Rouge bishii June 12, kaddib markii ay xaaskiisa tustay lacag badan oo lagu soo shubay taleefankeeda gacanta.

James, oo horey uga soo shaqeeyey Waaxda Badbaadada Dadweynaha ee Louisiana, ayaa sheegay in uusan waligiis ka fikirin inuu lacagta qarsado oo uusan qofna la wadaagin.
“Waan ogayn inaysan ahayn lacagteena. Ma aanan kasban, sidaas darteed waxba kuma qaban karno,” James ayaa sidaas yiri.

Afar maalmood kadib, bangiga , ayaa ugu dambayntii saxay khaladka.
Afhayeen u hadlay shirkadda ayaa u sheegay telefishanka FOX war qoraal ah oo ay soo saartay shalay in cilad farsamo ay ku dhacday todobaad ka hor
oo saamayn ku yeeshay xisaabaha bangiga. “Arrinta waa la xaliyay xisaabaadkaasna hadda waxay muujinayaan isku dheelitirnaan sax ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here