Arsenal iyo Manchester City oo ku tartamaya xiddig bar-tilmaameed u ah Juventus

0
254

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Juventus ayaa laga yaabaa inay seegto fursada ay kula soo saxiixaneyso Manuel Locatelli, oo khadka dhexe ee tayada leh ee Sassuolo, sababa la xiriiro xiisaha uu laacibka ka helayo dhoowr kooxood waa weyn oo qaarada Yurub ah.

Arsenal iyo Manchester City ayaa muujiyey xiisaha ay u qabaan saxiixa laacibka xulka qaranka Talyaaniga, kaasoo bandhig caajiib ah ka sameeyay Azzurri inta lagu guda jiray Koobka Qaramada Qaarada Yurub ee EURO 2020.

Manuel Locatelli ayaa la filayaa inuu ka tago kooxda Sassuolo xagaagan, Juventus ayaa durbaba furtay wadahadalo ay kula soo saxiixaneyso 23 jirkaan, waxaana saxaafada ay muujisay in Juve ay ku dhowdahay inay dhameystirto heshiiskan.

Laakiin Sassuolo kuma deg degeyso iibinta ciyaaryahanka, sida laga soo xigtay “La Gazzetta dello Sport” maadaama ay dalabyo kale oo muhiim ah ka heleen kooxaha Arsenal iyo Borussia Dortmund, iyadoo Manchester City iyo Real Madrid ay weli xiiseynayaan.

Inkasta oo uu Locatelli doorbidayo u dhaqaaqista Juventus, hadana Bianconeri ayaa laga yaabaa inay lumiso fursada ay kula soo saxiixan karto haddii koox ay awoodo inay bixiso lacag ka badan tan Bianconeri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here