Kooxaha Real Madrid Iyo Manchester United Oo Ka Heshiiyey Saxiixa Varane.

0
257

Kooxda Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay dhigeeda Real Madrid heshiis buuxa la meel dhigtay isla markaana ay kala wareegayso daafaca dhexe ee French-ka ah ee Raphael Varane oo ay dhinaceeda ka doonaysay Paris Saint-Germain.

Varane ayaa ah daafaca dhexe ee bar-tilmaameedka koowaad u ah tababare Ole Gunnar Solskjaer, heshiis uu ugu wareegayo Old Trafford ayaa hadda hore loo dhammayn karaa kaddib markii xalay xulkiisa France macasalaameeyay Euro 2020.

Varane ayaa dhammaystay kulankii xalay xulkiisu guuldarrada rigoorayaasha ah ee aan cidina filayn kala kulmay Switzerland ciyaar xiisaheeda lahayd oo 3-3 kusoo dhammaatay.

Warka ah in France ay hadheen ayaa ah mid u wanaagsan Man United maadaama oo ay boos midkii hore ka wanaagsan u joogsan doonaan saxeexa Raphael.

Sida uu sheegayo saxafiga Spanish-ka ah ee Pipi Estrada oo la hadlayay muuq-baahiyaha El Chiringuito ayaa sheegaya in Manchester United ay heshiis buuxa la gaadhay Real Madrid sidaasna ay kagala wareegayso 28 sano jirkaas.

Si kastaba, wararka ayaa ah kuwo isku qasan, saxafiga kale ee Edu Aguirre ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararkaas isaga oo sheegay in Varane uusan doonayn inuu iskaga tago Los Blancos.

Real Madrid ayaa xilli horeba weyday kabtankeedii Sergio Ramos oo la filayo inuu PSG qaab xor ah ugu biiri doono halka Varane oo dhawaan u dabaaldegay inuu 10 sano joogay Santiago Bernabeu uu doonayo horyaal iyo loolan cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here