Maxaa Ka Cusub Wadahadalkii United Ku Dooneysay Saxiixa Sancho , Rajo Ayaa Jirta

0
253

Sky Sport ayaa ku warameysa in in United iyo Dortmund  hishiis ka gaareen arinta xiddiga Sancho  gaar ahaan dhanka lacagta .

United ayaa in muddo ah baadi goobeysa saxiixa wiilkaas reer Ingiriis waxa ayna warar badan tilmaamayaan in xagaagaan ku guuleysanayaan farsamadiisa

Shabakadaas waxa ay xuseysaa in United ogalaadeen bixinta aduun dhan 85 milyan oo euro waana qimaha Dortmund dalbaneysay ugu yaraan .

Haatan kaliya waxaa harsan in labada dhinac ka hishiiyaan qaabka lacagta loo bixinayo xilli wararka qaar sheegayaan in Unted doonayaan in 15 milyan ka bixiyaan gadaal dambe taasi oo sidoo kale ku xernaaneysoa heer ciyaareedka laacibka iyo koobabka uu kula guuleysto

Waxaa horay loo sheegay in United hishiiska shaqsiyadeed la gaareen laacibka kaasi oo gaaraya muddo 5 sano isla markaana laacibka uu ku qaadanayo mushaar gaaraya 350 kun oo gini todobaadkii

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here