Barcelona oo ku dhawaaqday inuu ka tagay mid ka mid ah xiddigaheeda

0
319

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Barcelona ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inuu ka tagay kooxda mid ka mid ah xiddigaheeda.

Blaugrana ayaa shaacisay in difaaceeda reer France ee Jean-Clair Todibo uu ka tagay Kooxda, isla markaana uu toos ah ugu biiray naadiga horyaalka France Ligue 1 ee Nice maanta oo Axad ah.

Dhanka kale kooxda Nice ayaa shaacisay inay dhaqan galisay doorasheeda ah inay si rasmi ah u iibsatay Jean-Clair Todibo kaasoo amaah ugu ciyaarayay kooxda Faransiiska ah xilli ciyaareedka 2020/22.

OGC Nice ayaa Barcelona ku wargelisay inay dhaqan gelisay doorasheeda ah inay si rasmi ah uga iibsato Jean-Clair Todibo kaasoo amaah ugu ciyaarayay kooxda Faransiiska ah xilli ciyaareedka 2020/22.

Iibkan ayaa ku kacaya qiimo dhan 8.5 milyan oo euro oo lagu dari doono 7 milyan oo euro oo gunnooyin ah.

Kooxda Catalonia ka dhisan ayaa sidoo kale qayb ku yeelan doonta marka mustaqbalka ay kooxda Nice iska iibineyso difaacan, balse lama shaacin boqolkiiba inta ay ka heleyso iibkiisa mustaqbalka.

FC Barcelona ayaa si gaar ah ugu mahad celisay Todibo iyadoo u rajeysay mustaqbal wanaagsan oo guulo leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here