Qareenka Donald Trump oo been darteed looga xannibay shatigii uu ku shaqeysan jiray

0
285

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Gobolka New York ee dalka Mareykanka ayaa xannibay rugsaddii shargi ee uu ku shaqeysan jiray Rudy Giuliani oo ah qareenka madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, kaddib markii maxkamadda racfaanka ee gobolkaas ay ogaatay inuu been ka sheegay doorashadii Mareykanka ee 2020.

Giuliani oo 77 jir ah ayaa sheegay in doorashadan laga xaday Donald Trump, haye yeeshee maxkamadda racfaanka ayaa sheegtay in been abuur cad iyo marin habaabin’ uu ka sheegay doorashadii uu ku guuleystay madaxweynaha xisbiga Dimoqraadiga ee Joe Biden.

Maxkamada racfaanka ayaa sheegtay in hakinta kumeelgaarka ah ee Giuliani ay isku bedeli karto in si buuxda shatigiisa sharciga looga xayuubiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here