Nin dowr weyn ka qaatay tiknoolojiyadda adduunka oo xabsi isku dhex dilay.

0
223

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Aasaasihii baarnaamijka ka hortagga fayrasyada kombiyuutarada “McAfee Antivirus” John McAfee ayaa meydkiisa laga helay xabsi ku yaalla magaalada Barcelona saacado kadib markii maxkamad ku taal Spain ay aqbashay inay dib ugu celiso Mareykanka si loogu qaado dacwad ku aaddan canshuur lunsasho.

Waaxda cadaallada ee maamulka Catalonia ayaa sheegtay in dhakhaatiirta gargaarka degdega ah ay isku dayeen inay badbaadiyaan McAfee, balse aysan u suurogelin.
Waxay sheegtay inay jiraan calaamado muujinaya inuu isaga gacantiisa isku dilay.
Shirkadda McAfee waxay soo saartay barnaamijkii ugu horreeyay ee ganacsi ee lagula dagaallamo fayraska kombiyuutarada.

McAfee VirusScan wuxuu helay balaayiin dollar, ugu dambayntiina waxaa looga iibiyey shirkadda weyn ee teknoolojiyadda Intel in ka badan 7.6 bilyan oo dollar.

Bishii Oktoobar ee 2020 John McAfee ayaa lagu xiray Spain isagoo markaas doonayay inuu diyaarad u raaco Turkiga, waxaana lagu eedeeyay inuu ku guuldareystay inuu soo xareeyo canshuur celinta muddo afar sannadood ah, inkastoo uu maaliyiin lacag ah ka sameeyay barnaamijyo kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here