Haweeneydii sheegtay in hal mar dhashay 10 caruur ah oo la ogaaday in waligeed uuryeelan.

0
238

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Dowladda South Afrika ayaa sheegtay in Gosiame Sithole, oo ah “hooyada” la sheegay in ay dhashay mataane 10 ah, aysan weligeed uur yeelanin.

Maamulka Gobolka Gauteng waxay sheegeen in ay sameeyeen baaritaan baaxad wayn, ayna ogaadeen in uusan jirin isbitaal dad-wayne iyo mid gaar ahba, oo haya diiwaanka carruurtaas la sheegay.

Maamulkaas wuxuu tilmaamay in ay ugu dambeyn soo beeniyeen sheegashadii ahayd in “10 canug oo mataano ah dhasheen”.

Qoraal ka soo baxay maamulka Caafimaadka, waxaa lagu sheegay in la ogaaday in Gosiame Sithole aysan dhalin wax carruur ah, weligeedna aysan uurba yeelanin.

Qoraalka laguma sheegin in ay jiraan sababo ku qasbay haweeneyda in ay warkan faafiso, laakiin waxaa la caddeeyay in loo sameynayo daweyn dhanka maskaxda ah iyo taageero guud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here