Kulammada guruubka C ee tartanka Euro 2020 oo caawa lasoo gaba-gabeyn doono

0
232

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Waxaa caawa lasoo af-meeri doonaa kulammada guruubka C ee tartanka qarammada qaaradda Yurub iyadoo xulalka Ukraine iyo Austria ay ciyaari doonaan kulan guul ama geeri ah, maadaama xulkii ciyaartaas adkaado uu xaqiijin doono usoo bixitaanka Euro 2020 wareeggiisa 16-ka.

Labada kulan ee guruubkan ayaa la baasan doonaa isku xilli iyadoo xulka Netherlands oo hubiyay booskiisa wareegga 16-ka uu ciyaar aan micno u badan u lahayn dhankiisa wajahayo xulka North Macedonia.

Ukraine vs Austria

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Europe – EURO 2020

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 07:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Arena Nationala

Garsooraha: Cuneyt Cakir (Turkey)

Maxay u baahan yihiin labada xul:-

Xulalka Ukraine iyo Austria ayaa min saddex dhibcood helay labadii ciyaarood ee hore ee guruubkan waxayna si isugu mid ah u garaaceen North Macedonina iyagoo labaduba guuldarro kala kulmay Netherlands.

Labada xul ayaa ka simman dhibcaha iyo farqiga goolasha waxaase goolasha ay dhaliyeen ku sarreeyaan Ukraine oo afar gool dhalisay labadeedii ciyaarood, halka xiddigaha Austria ay dhaliyeen saddex gool.

Sidaas darteed, waxay caawa ku kala bixi karaan inuu midkood guuleysto, xulkii adkaada ayaana si toos ah ugu gudbi doona wareegga 16-ka tartanka Euro 2020.

Haddii ay ciyaarta ku dhammaato barbarro, dhanka dhibaca, natiijada fool ka foolka iyo farqiga goolashaba ay ku kala sarreyn waayaan, waxaa loo eegi doonaa goolasha ay dhaliyeen, waxaana sidaas rajada sare ku heysta xulka Ukraine, haddii ay dhacdo – balse ma dhici karto – in labadooda ay xitaa dhanka goolasha ka simmanaan lahaayeen, waxaa lagu kala saari lahaa diiwaanka anshaxa inta uu tartanka socday sida kaararka hurdiga iyo casaanka oo xulkii kaarar badan ayaa hari lahaa.

Xulka laga adkaado ama ku dhammeysta booska saddexaad ee guruubka waxa uu heystaa rajo meel dheer ah oo uu kaga mid noqon karo afar dal oo lagu dari doono kooxaha wareegga xiga ciyaaraya kuwaasoo kaalmaha saddexaad kaga dhammeystay guruubyadooda, waxaana lagu soo dooran doonaa xulalkaas natiijada ay ku joogaan boosaskaas iyo bandhiggoodii ciyaareed.

North Macedonia vs Netherlands

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Europe – EURO 2020

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 07:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Johan Cruijff ArenA

Garsooraha: István Kovács (Romania)

Maxay u baahan yihiin labada xul:-

Xulka Netherlands ayaa natiijo walba kusoo gudba waliba waxa uu xaqiijiyay inuu booska koowaad ku dhammeysanaayo xitaa haddii 10 gool lagu garaaco, waayo labada xul ee ku dhibcaha noqon kara kulammadii uu la ciyaaray ayuu ka guuleystay.

North Macedonia shan gool oo farqi ah ayaa dhankooda ku maqan, mana heystaan fursad ay ugu soo bixi karaan wareegga bug-baxda maxaa yeelay labada xul ee ka sarreeya ayaa midkood uu gudbi doonaa xitaa haddey dhibcaha ka sinnaadaan Macedonia xulka guuldarreysta maadaama Ukraine iyo Austria hore usoo garaaceen xulkan.

Sidaas darteed, kulankan ma lahan natiijo gaar ah oo wax ka baddeli karta boosaskooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here