Horudhac: Netherlands vs Austria

0
543

Baydhabo(Radio Arlaadi)Kulanka ugu xiisaha badan Guruubka C ee tartanka qarammada qaaradda Yurub ayaa caawa lagu ciyaari doonaa magaalada Amsterdam ee dalka Holland markaas oo ay is faro saarayaan xulalka Netherlands iyo Austria.

Labadan xul ayaa guulo ka gala gaaray xulalka Ukraine iyo North Mecadonia ciyaarihii koowaad ee wareeggan Guruubyada iyagoo heysta min saddex dhibcood, sidaas darteed, xulkii guul gaara kulanka caawa ayaa dalka Taliyaaniga kula biiraya xulalka xaqiijiyay inay taagan yihiin wareegga 16-ka ee tartanka Euro 2020.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Europe – EURO 2020

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Johan Cruijff ArenA

Garsooraha: Orel Grinfeld (Israel)

Wararka Xulalka:-

Xulka qaranka Netherlands ayaa qiimeyn doona xaaladda taam ahaanshaha ee Matthijs de Ligt oo tababarka xulka kusoo laabtay kaddib markii uu dhaawac gummaarka ah ku seegay kulankii Ukraine, waxay u badan tahay inuu xiddigan kulankan ciyaari karo.

Dhinaca kale, xulka Austira ayaanan heli doonin weerayahnka lagu magacaabo Mark Arnautovic kaasoo ganaax hal kulan ah garka loo suray kaddib markii xiriirka UEFA uu ku helay isagoo aflaggaaddeynaya mid ka mid ah xididgaha North Mecadonia ciyaartii lasoo dhaafay.

Balse waxaa la filayaa inuu ciyaartaan taam buuxo u noqdo Julian Baumgartlinger kaasoo baddel kusoo galay ciyaartii u dambeysay isagoo kasoo kabsaday dhaawac daran oo uu jilibka ka qabay.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Fool Ka Fool

Xulka Netherlands ayaa guuleystay dhammaan lixdii ciyaarood ee ugu dambeysay oo uu la dheelay xulka Austria.

Guushii ugu dambeysay ee uu Austria ka gaaro kulankan waxa ay ahayd ciyaar saaxiibtinnimo oo ka horreysay Koobka Adduunka 1990 taasoo ka dhacday magaalada Viena.

Toddobadii ciyaarood ee lasoo dhaafay oo ay labadan waddan ciyaareen waxay iska dhaliyeen 30 gool, celcelis ahaanna waa 4.3 kulankiiba.

Marka kaliya ee ay isku arkeen tartan weyn waxay ahayd ciyaar ka tirsaneyd wareegga Guruubyada Koobka Adduunka sanadkii 1978, xilligaasna Netherlands oo u socotay fiinaalka tartanka ayaa 5-1 ku xasuuqday Austria.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here