Liverpool Oo Badalka Gini Wijnaldum Ka Arkootay Premier League.

0
207

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay u dhaqaaqdo xiddiga khadka dhexe ee Kooxda Brighton & Hove Albion Pascal Gross.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa 4 xilli ciyaareed ku qaatay Premier Leaue waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Pascal Gross ayaa dhaliyay 8 gool 34 kulan oo uu ciyaaray premier League xilli ciyaareedkii hore isaga oo Liverpool gool ka dhaliyay Liverpool.

Sida laga soo xigtay wargayska Tuttomercatoweb, Jurgen Klopp ayaa taageere weyn u ah xiddiga ay isku dalka yihiin waxana uu doonayaa in uu keeno Reds xagaagan.

Liverpool ayaa xiddiga 28 jirka ah u aragta badalka Gini Wijnaldum kaas oo ka tagay kooxda Liverpool kadib markii uu dhacay heshiiskiisa Reds.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here