Xildhibaan Kamid ah Golaha Wakiilada KG Oo Hey’addaha Samafalka iyo Dowlada Ugu Baaqay in Deegaanka Awdiinle la gaarsiiyo Adeegyada Bulshada u Baahan yihiin.

0
295

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Deegaanka Awdiinle Ee Gobolka Bay waxa uu kamid yahay Deegano Mudooyinkii ugu dambeeyay sameynaayey Hormaro Dhinaca kala duwan Sida Amaanka Caafimaadka Waxbarashada dhismaha Wadooyinka Muhiimka u ah Deegaanka iyo Bilicda.

Ibraahim Xaaji Hassan oo kamid ah Golaha Wakiilada KG ku matela Deegaanka ayaa waxa uu tiro dhowr jeer ah halkaasi ku tagay Socdaalo kala duwan isagoo u kuur galaayay Xaaladaha Ay ku noolyihiin Shacabka Deegaankaasi ,isagoo Arimahaasi ka hadlayay Xilibaan Ibraahim Xaaji ayaa waxa uu Hey,adaha Samafalka qeybahooda kala duwan ugu baaqey in ay tagaan Deegaankaasi si ay kaalin uga geystaan taakuleynta Shacabka deegaankaasi.

Warkan waxaa inoo haysa Maryan Macalin Abshir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here