Ku guuleystaha abaal-marinta PFA Player of the Year oo lagu dhawaaqay

0
255

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Waxaa goor dhow lagu dhawaaqay natiijada xiddiga ku guuleystay abaal-marinta laacibka ugu wanaagsan sanadka oo ay bixiyaan Ururka Xirfadleyda Kubadda cagta ee Professional Footballers’ Association, waxaana qaybta ragga ku guuleystay laacibka Manchester City khadka dhexe kaga ciyaara ee Kevin De Bruyne.

Kubbad sameeyaha reer Belgium ayaa abaal-marintan ku guuleystay sanad ciyaareedkiisii labaad, waxaana uu noqday xiddigii labaad ee difaacda abaal-marintan tan kaddib Cristiano Ronaldo kaasoo waayihiisii Manchester United labo jeder oo is xigta gacanta ku dhigay abaal-marinta PFA Player of the Year.

29-sano jirkan ayaa Man City ka caawiyay inay ku guuleysato horyaalka Premier League markeedii saddexaad afar xilli ciyaareed gudahood, waxaana sidoo kale da’yarka ugu wanaagsan PFA u doorteen xiddiga isla Manchester City u ciyaara ee Phil Foden.

Dhinaca kale, abaal-marintan qaybteeda dumarka ayaa la bixiyay, waxaana ku guuleysatay gabadha u ciyaarta hablaha Chelsea ee Fran Kirby taasoo iyaduna markeedii labaad abaal-marinta PFA Women’s Player of the Year hanatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here