Laba xiddig oo muhiim ah oo ka dhaawacmay xulka England & Macallin Gareth Southgate oo ka hadlay dhaawacyada xiddigahan

0
243

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Xulka qaranka England ayaa xalay guul ka gaaray dhiggiisa xulka Austria ciyaar ku dhammaatay 1-0 iyadoo xiddiga Arsenal ee Bukayo Saka uu ahaa dhaliyihii goolka ay guusha ku qaateen xiddigaha Ingiriiska.

Balse natiijadaas guusha ah waxaa barbar socday dhaawacyo soo gaaray Jack Grealish iyo Trent Alexander-Arnold, taasoo walwal ku ah macallinka xulka qaranka England ee Gareth Southgate sida uu sheegay.

Difaaca Liverpool ayaa naftiisa dhaawacay xilli uu kubadda kasoo laadayay agagaarka goolkiisa, waxaana ay dhibaato kasoo gaartay bowdada.

“Ma ahayn xaalad wanaagsan inuu garoonka ka baxo isagoo xanuunsanaya” ayuu Macallin Southgate u sheegay BBC Radio 5 Live.

“Waan arki doonnaa xajmiga dhaawaciisa 24-ka saac illaa 48-ka saac ee soo aaddan, dhaawac bowdada ah ayuu u muuqday, balse si buuxda wali uma xaqiijin karo” ayuu hadalkiisa ku daray.

Macallin Southgate ayaa dhinaca kale sheegay in xaaladda dhaawaca ee Grealish aysan ahayn mid aad u daran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here