Arsenal Oo Qarka U Saaran Saxiixeedii Ugu Horeeyay Ee Xagaaga

0
294

Arsenal ayaa qarka u saaran inay la soo wareegto goolhayaha Ajax Andre Onana si uu u noqdo bedelka Bernd Leno, in kasta oo ay sugayaan inay arkaan natiijada racfaankiisa ee Maxkamadda Xalinta Khilaafaadka Sport.

Goolhayaha reer Cameroon ayaa dusha laga saaray ganaax 12 bilood ah kadib markii laga helay waxyaabo laga ganaaxay xiddigaha kubada cagta.

Onana ayaa sheegay in daroogadaas uu si khaldan u cunay maadama loo qoray xaaskiisa waxana uu Racfaan ka gudbiyay madaxkada sare ee kubada cagta waxana uu haatan sugayaa natiijada racfaankiisa.

Goolhayaha 25 jirka ah ayaa isaga tagi doona kooxda Ajax suuqa xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan wargayska NOS ayaana sheegaya in uu Goolhayuhu ku biiri doono kooxda Arsenal.

Mikel Arteta ayaan ku faraxsanayn qaab ciyaareedka leno sidaas darteed waxa uu doonayaa Goolhaye Onana kaas oo ay ku heli karaan lacag dhan 5.1 ilaa 7.7 milyan euro suuqa xagaagan.

Heshiiska ayaa haatan wax walba la dhamaystiray waxana la sugayaa kaliya Racfaanka uu Onana Gudbiyay si ay kooxdu ugu dhawaaqdo saxiixa Goolhayaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here