Nin diyaarad u kireystay si uu ugu tago boolis ku raad-joogay

0
221

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Nin ku dhuumaaleysanayay miyiga dalka New Zealand ayaa diyaarad helikobtar ah u kireystay si uu u tago saldhig booliis isagoo kaddibna is dhiibay.

James Bryant, oo wajahaya eedeymo dembiyo kala duwan ah, ayaa shan toddobaad isku qarinayay magaalo yar oo ku taalla North Otago.

Wuxuu warbaahinta dalkaas u sheegay in waqti wanaagsan uu ku qaatay miyiga, balse uu haatan diyaar u yahay inuu is dhiibo.

Arthur Taylor, oo u dooda xuquuqda maxaabiista oo gacan ka geystay in si nabad ah lagu soo xiro ninkaas, ayaa sheegay in Bryant uu u iibiyay khamro iyo cunto kahor inta aysan saldhigga tegin.

Taylor, oo qudhiisa maxbuus hore ahaa cafisna loo fidiyay, ayaa isagoo ku sugan bannaanka Saldhigga Dhexe ee Booliiska Dunedin weriyeyaasha ku yiri : “Waxay u ahayd cuntadii ugu fiicneyd ee uu cuno muddo toddobaadyo ah.”

Eedeymaha uu Bryant wajahayo waxaa ka mid ah inuu heystay hub, isagoo qof si kas ah u dhaawacay iyo inuu saddex qoraal oo dhibaato sababi kara ku qoray baraha internet-ka.

Booliiska ayaa dadweynaha uga digay inuu khatar yahay isla markaana aysan u dhowaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here