Simone Inzaghi oo tababare u noqonaya Inter Milan kadib markii uu iska casilay tababaraha Lazio

0
347

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda kubadda cagta Inter Milan ayaa  wada hadal la bilowday  Simone Inzaghi oo ka tagay kooxda kubadda cagta Lazio oo uu si rasmi ah iskaga soo casilay.

Inzaghi oo dhowaan Lazio u saxeexay heshiis cusub oo uu kula sii joogayo kooxdaas illaa sannadka 2024 ayaa iska casilay kooxdaas, iyadoo uu markiiba wada-hadallo la bilaabay Inter Milan oo xalay fiidkii uu ka tegay Antonio Conte.

Lazio ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku xaqiijisay, in tababaraheedii Simone Inzaghi uu ka tegay shaqada, laakiin may sheegin halka uu tegayo.

Sida uu sheegay wariyaha looga dambeeyo arrimaha suuqa ee Fabrizio Romano, Inzaghi ayaa wada-hadallo la furay Inter Milan, waxaanay u dhow yihiin in ay isla gaadhaan heshiis uu kooxdaas kaga beddelayo Conte.

Fabrizio Romano waxa uu intaa ku daray, in Inter Milan ay maalmaha soo socda si rasmi ah u shaacin doonto, in Inzaghi uu yahay tababaraheeda cusub, isla markaana uu qalinka ku duugi doono qandaraas soconaya illaa sannadka 2024, taas oo ka dhigan in uu muddo laba sannadood ah joogi doono Nerazzurri.

Inter ayaa u ballan-qaaday Inzaghi in ay siin doonto mushahar laban-laab midka uu ka qaato Lazio, hoggaankana uu u qaban doono koox dhisan oo dhowaan ku guuleysatay horyaalka Serie A, taas oo u fududayn karta in uu hantiyo horyaalkiisii ugu horreeyey isagoo tababare ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here