In ka badan 200 qof oo ku dhaawacantay shil Tareen oo ka dhacay dalka Malaysiya

0
293

Baydhabo(Radio Arlaadi)- In ka badan 200 oo qof ayaa ku dhaawacantay ka dib markii laba tareen oo kuwa dhulka hoostiisa mara ahi isku dhaceen caasimada dalka malaysiya ee Kuala Lumpur kadib markii mid ka mid ah tareenada oo madhnaa uu si fool ka fool ah ugu dhacay tareen kale oo ay saarnaayeen 213 rakaab ah.

Sawirro iyo fiidiyowyo ku wareegaya baraha bulshada ayaa muujinayey rakaab dhaawac ah oo dhiig baxaya,

47 qof ayaa si xun u dhaawacmay 166 kalena dhaawacyo fudud ayaa soo gaaray, sida uu taliyaha bilayska degmadu u sheegay warbaahinta goobta soo gaartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here