Liverpool Oo Loo Sheegay In Ay Iska Iibiso Mohamed Salah & Sababta Oo La Sharaxay.

0
209

Goolhayihii hore ee Liverpool David James ayaa kooxdiisii hore iyo Tababare Jurgen kula taliyay in ay iska iibiyaan Mohamed Salah suuqa xagaaga si ay u helaan lacag ay kooxda dib ugu dhisaan.

Salah ayaa mar kale xilli ciyaareedka ku dhamaystay gool dhaliyaha kooxda isaga oo dhaliyay 31 gool tartamada oo dhan waliba maalintii ugu dambaysay seegay kabta dahabka ah ee gool dhalinta.

Kooxda Liverpool ayaa si weyn u dhibaatootay xilli ciayareedkii dhamaaday laakiin Salah ayaa sii waday qaab ciyaareedkiisii fiicnaa isaga oo dhaliyay goolal muhiim u ah kooxda Liverpool.

“In ay Liverpool lacag badan suuqa galiso suurtagal ma ahan, waxan u malaynayaa in ay ku qasbanyihiin in ay iska iibiyaan xiddigo”ayuu James u sheegay Stadium Astro.

“Aniga ahaan inkasta oo uu yahay xiddiga 2-aad ee ugu goolasha badan hadana waxa aan aaminsanahay in ay liverpool fiicantahay la’aanta Mohamed Salah”.

“Jota ayaa buuxin kara booska Mohamed Salah sidaas darteed waxa aan kula talin lahaa in ay iska iibiyaan oo ay kooxda dib u dhis ugu sameeyaan kooxda”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here