Hindiya oo diiwaan gelisay in ka badan 8,800 kiisas oo ah ‘cudurka caambarta madow’

0
286

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Hindiya ayaa diiwaan gelisay in ka badan 8,800 kiisas oo ku saabsan ‘cudurka caambarta madow’ oo si weyn uga dillaacay halkaas.

Cudurkan waxaa sababa cabuuqa loo garanayo mucormycosis oo mid naadir ah oo horseedi kara dhimasho.

Kala bar kiisaska cudurka cambaarta madow waxaa laga soo tebiyay gobollada galbeedka dhaca ee Gujarat iyo Maharashtra halka in ka badan 15 gobol laga diiwaangeliyay inta u dhexeysa 8 ilaa 900 kiis.

Bilihii la soo dhaafay, Hindiya waxaa laga soo tebiyay kumaanan kiisas ah oo ku saabsan cudurkan oo saameeyay dadka ka bogsaday xanuunka Covid-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here