Sacuudiga oo soo rogay amar hor leh oo Xajka ku saabsan

0
257

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Boqortooyada Sacuudiga ayaa soo rogtay amar hor leh oo ku saabsan Xajka sanadkan 2021-ka. Waxay sheegtay in 60,000 oo qof oo keliya loo oggolaan doono inay ka qeyb galaan Xajka sanadkan. Dadka doonaya inay xajiyaan ayaa qasab looga dhigay inay qaataan tallaalka looga hortagayo xanuunka Coronavirus iyadoo dhanka kalena la xaddiday da’da. Si aan wax badan uga ogaanno shuruudaha Xajka sanadkan ee ay soo rogtay

boqortooyada Sacuudiga, ayaa waxaan khadka telefoonka kula xiriirnay Dr. Maxamed Xuseen oo ah Soomaali deggan magaalada Riyadh, Kawsar Maxamed Cabdullaahi ayuuna u warramay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here