Afrika oo laga dhisayo xarumo talaalka korona lagu sameeyo

0
351

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Midowga Yurub ayaa ku talo jira inuu ku maal geliyo lacag hal bilyan oo Euro ah oo u dhigantaa 1.2 bilyan oo doolar in lagaga dhiso Afrika xarumo lagu sameeyo talaalka Covid-19.

Madaxa Midowga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa sheegtay in sidoo kale Midowga Yurub ugu deeqayo 100 milyan oo irbadood oo talaalka ah dalalka dakhiligoodu hooseeyo iyo kuwa uu meel dhaxaadka yahay dabayaaqada sannadkan.

Hadalkan waxay ka sheegtay shir lagaga hadlayey Covid-19 oo ka dhacay magaalada Rome ee caasimadda dalka Talyaaniga.

Mid ka mid ah shirkadaha waaweyn ee talaalka sameeya waa Pfizer/BioNTech ay madashaa ka shaacisay in ay sideedda iyo tobanka bilood ee soo socda qiimo jaban ugu samayn doonto dalalka saboolka ah laba bilyan oo irbadood oo talaalka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here