Wadanka Malawi oo gubay tallaal dhacay oo lagu daweeyo fayraska Korona

0
338

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Mas’uuliyiinta caafimaadka ee Malawi ayaa gubay 19,610 oo ah tallaalka fayraska Korona oo dhacay, iyagoo sheegay in ay doonayaan in shacabkooda ay u xaqiijiyaan in tallaalka ay qaadanayaan uu yahay mid badqaba.

Waa waddankii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee si shaac baxsan u guba tallaal dhacay.

Hay’adda caafimaadka adduunka ayaa markii hore ugu baaqday dalalka in aanay burburin tallaalka dhacay, balse markii dambe ayay ka laabatay taladaas.

Tirada dadka la tallaalay ee Malawi ayaa aad u kooban, shaqaalaha caafimaadkana waxa ay rajeynayaan in tallaabadan lagu gubay tallaalka dhacay ay sare u qaadi doonto kalsoonida shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here