Muhaajiriintii ugu badnaa oo maalin gudaheed gaaray xadka Spain

0
434

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Ugu yaraan 6,000 oo muhaajiriin ah ayaa gaaray dhulka ay Spain maamusho ee Ceuta, kuwaasi oo ka yimid dalka ay deriska yihiin ee Morocco, waana tiradii ugu badneyd ee maalin keliya gaartay halkaas, sida ay sheegeen saraakiisha dalka Spain.

Waxay sheegeen in muhaajiriinta oo ay ku jiraan ilaa 1,500 oo carruur ah ay ama ka duseen derbiyada xadka ku toosan badda amaba ay ka gudbeen xilli ay baddu degganeyd.

Dadkaan ayaa intooda badan la sheegay in ay ka yimaadeen Morocco. Spain ayaa sheegtay in ay dib u celisay qaar ka mid ah dadkaasi oo gaaraya 2,700, balse aysan ku jirin carruurta.

Deegaanada Spain ee Ceuta iyo Melilla, ayaa waxa ay noqdeen kuwa ay saldhig u noqdeen muhaajiriinta Afrika.Ciidamada dalka Spain, ayaa loo daad gureeyay xeebta, si ay uga caawiyaan booliska xuduudda marinka ugu weyn ee Ceuta ee Tarajal ee dhanka koonfureed ee xadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here