Kooxda Uu Robert Lewandowski Ka Fikirayo In Uu Ku Biiro Xagaaga Oo La Ogaaday

0
580

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Robert Lewandowski ayaa lagu soo waramayaa in lagayaabo inuu u dhaqaaqo Paris Saint-Germain iyadoo uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa kooxda Bayern Munich.

Xiddiga 32 jirka ah ayaa hogaamiyay weerarka Bayern Munich tan ilaa 2014 markii uu kaga soo biiray kooxda Borussia Dortmund waxana uu kooxda u dhaliyay 328 gool 293 kulan oo uu u ciyaaray kooxda.

Robert Lewandowski ayaa kooxda Bayern Munich kula jira heshiis ilaa xagaaga 2023 ah laakiin mustaqbalkiisa ayaa la shaki galiyay todobaadyadii ugu dambeeyay.

Sida laga soo xigtay L’Equipe xiddiga reer Poland ayaa lala xidhiidhinayay kooxaha Chelsea iyo Man City isaga oo ka fiirsanaya in uu tartan cusub ka ciyaaro xagaaga kooxda PSG ayaana si lama filaan ah hogaanka ugu qabatay baacsiga xiddiga.

Wararka ayaa sheegaya in ay kooxda PSG u dhaqaaqi doonto saxiixa Lewandowski hadii ay iska iibiso xiddiga Kylian Mbappe kaas oo shaki weyn ku jiro mustaqbalkiisa kooxda reer France.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here