Biriq 18 Maroodi ku dishay dalka Hindiya

0
567
People stand near dead wild elephants, suspected to have been killed by lightning, on a hillside in Nagaon district of Assam state on May 14, 2021. - At least 18 elephants are suspected to have been killed by lightning in northeastern India, officials said on May 13 as they launched a probe into the incident. (Photo by Biju BORO / AFP) (Photo by BIJU BORO/AFP via Getty Images)

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Ugu yaraan 18 maroodiyaal duurjoog ah ayaa lagu dilay Bamuni Hills oo ka tirsan degmada Assam’s Nagaon ka dib markii ay Biriq ku dhacday habeenkii Khamiista.

NDTV ayaa soo warisay in ilo wareedyo ka tirsan waaxda keynta ee gobolka ay sheegeen in baaritaanka hordhaca ah uu muujiyay in xayawaanku u muuqdaan in aay dishaay biriqda.

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in hawlgal baaritaan ah laga bilaabay aaggaas sababta dhabta ah iyo tirada maroodiga ladilayna la ogaan doono waqtiga ku habboon.

Dhacdadu waxay ka dhacday Kandoli Proposed Reserve Forest (PRF) oo ku taal Kathiatoli oo ka tirsan qaybta Nagaon.

“Tuulooyinka maxalliga ah ayaa nagu soo wargeliyay dhimashada maroodiyaasha. Waxaan ku yaacnay meeshii oo waxaan aragnay iyagoo dhulka jiifa.ayuu yiri sarkaal kaynta ka tirsan.

Maamulaha guud ee ilaaliyaha keymaha (duurjoogta) Amit Sahay ayaa yiri, “aaggu waa mid aad u fog, kooxdeenuna halkaas ayey gaari karaan gelinka dambe ee Khamiista.

Waxaa la ogaaday in meydadku ay labaqeyb kala yahiin. Afar iyo toban ayaa taala buurta dusheeda, afarna waxaa laga helay buurta gunteeda hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here