Levante oo ka hor istaagtay Barcelona inay qabato hoggaanka horyaalka La Liga kaddib markii ay dhibcaha ku heshiiyeen

0
285

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Levante ayaa ka hor istaagtay Barcelona inay qabato hoggaanka horyaalka La Liga kaddib markii ay ku kala baxeen bar-bardhac 3-3 ah kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Barcelona.

Daqiiqadii 23-aad Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay kabtanka kooxda ee Lionel Messi.

34 daqiiqo Pedri oo caawin ay kaga timid saaxiibkiis Ousmane Dembele ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda Barcelona.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 53-aad kooxda Levante ayaa dhalisay waxaana 1-2 ka dhigay dheesha xiddigooda Gonzalo Melero, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Jorge Miramon.

Jose Luis Morales oo caawin ka helay saaxiibkiis Roger ayaa wuxuu daqiiqadii 59-aad ciyaarta ka dhigay bar-bardhac 2-2 ah.

Laakiin daqiiqadii 64-ad Barcelona ayaa markale hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 2-3 ka dhigay weeraryahanka reer France ee Ousmane Dembele.

83 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay kooxda Levante ayaa dhalisay goolka bar-bardhaca, waxaana 3-3 ka dhigay Sergio Leon oo caawin ka helay saaxiibkiis Tono.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay bar-bardhac 3-3 ah oo ay ku kala baxeen labada kooxood Levante iyo Barcelona, kaddib ciyaar aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Ciudad de Valencia, Blaugrana ayaa hadda fadhisa boos labaad ee jadwalka kala sareynta horyaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here