In ka badan 4 kun oo ruux oo Corona ugu dhintay Hindiya 24-kii saac ee la soo dhaafay

0
282

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Dad gaaraya 401,078 oo qof ayaa saacadahii la soo dhaafay u geeriyooday xanuunka Corona Virus, taasoo tirada guud ee dadka uu ku dhacay Corona gudaha Hindiya ka dhigaysa 21.9 milyan oo qof.

Dowladda Hindiya ayaa sheegtay in tirada dhimashada celcelis ahaan maalin kasta ay gaareyso 4,187 oo dhimasho ah, taasoo ka dhigeysa wadarta tirada dadka u dhintay cudurkan 238,270.

Wararka ayaa sheegaya in magaalooyinka waaweyn ee Hindia, sida New Delhi iyo Bombay, ay isbitaalada ku sii yaranayaan dawada iyo Oksijiinka , sidokale fayraska Corona ayaa hadda si xawli ah ugu sii fidaya gobollada koonfureed ee Hindiya .

Karnataka iyo Bangalore ayaa xayiraad laba toddobaad ah lagu soo rogay laga bilaaboTodobaadkan si looga hortago faafitaanka fayraskan.

Dhimashada xad dhaafka ah ayaa loo aaneeyaa Oksijiin la’aan iyo sariiraha oo ku yar qeybaha gargaarka degdega ah ee Isbitaalada.

Magaalada New Delhi ee caasimada Hindiya waxay xukuumadda ka hirgalisay kooxo Ambalaas ahaan ugu shaqeeya mootooyinka Sedax lugoodka ah ( tuk-tuk) si gargaar loogu fidiyo dadka uu ku dhacay cudurka Corona virus.

Wicitaanka Ambalaaska ayaa noqoday mid aad u adag iyadoo kiisaska dadka Covid-19, uu soo ritay ay sii kordhayaan.

Qoysaska Hindiya qaar waxay ku qasbanaadeen inay sameeystaan abaabullo gaar ah, oo ay ku bixinayaan lacago badan si ay u helaan Ambalaas bukaanadooda geysa isbitaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here