Bangiga Adduunka oo lacag deyn ah siiyay Dowladda Itoobiya

0
232

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Dowladda Itoobiya ayaa Bangiga adduunka ka qaadatay lacag dayn ah oo ka badan 8.4 bilyan oo Birr.

Wasiirka Maaliyadda ee dawladda Federaalka Itoobiya Axmed Shide iyo agaasimaha bangiga adduunka ee waddamada Itoobiya, Eritariya iyo Suudan ayaa qalinka ku duugay heshiiskan daynta ah.

Axmed Shide waxa uu sheegay in lacagtan loo adeegsan doono kor u qaadida Tignoolojiyadda iyo istaraatiijiyadda barnaamijyada Digitaalka ah oo la doonayo in wax laga baddalo 10-ka sano ee soo socda dalka Itoobiya.

Khubarada caalamka ayaa sheegaya in dhaqaalaha Itoobiya hoos u dhac weyni ku yimi tan iyo bilowgii sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here