Chelsea oo u soo baxday finalka Champions League kaddib markii ay ka adkaatay kooxda Real Madrid

0
279

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Chelsea ayaa u soo baxday finalka tartanka UEFA Champions League kaddib markii ay ku garaacday kooxda Real Madrid oo marti ugu aheyd garoonka Stamford Bridge 2-0, kulankii lugta labaad ee wareega afar dhammadka, taasoo ka dhigan in cel-celis ahaan labada kulan ay ku soo baxday Blue 3-1.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Chelsea.

Daqiiqadii 28-aad kooxda Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay Timo Werner, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Kai Havertz.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 85-aad Chelsea ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta waxaana 2-0 ka dhigay dheesha Mason Mount oo caawin ka helay saaxiibkiis Christian Pulisic.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-0 ay kaga adkaatay Chelsea kooxda Real Madrid oo marti ugu aheyd garoonka Stamford Bridge, Blues ayaa iska xaadirisay finalka tartanka UEFA Champions League, waxayna kula ciyaari doontaa naadiga Manchester City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here