Liverpool Oo Go’aan Ka Gaadhay Kulankii Man United Ee La Baajiyay, Kadib Markii FA-gu U Sheegay In Lagu Abaalmarin Karo 3-da Dhibcood Ee Kulanka.

0
223

Kooxda Liverpool ayaa go’aan ka gaadhay kulankii ay la ciyaari lahayd ee la baajiyay kana tirsanaa horyaalka premier League ee Axadii la soo dhaafay.

Kulanka ayaa ka dhici lahaa Old Trafford kulan ka tirsanaa todobaadkii 34-aad ee horyaalka premier League laakiin kulanka ayaa la baajiyay sabab la xidhiidha mudaharaad waali ah oo ka dhacay gudaha iyo Dibada Old Trafford.

Xeerka Premeir League ayaa Liverpool xaq u siinaya in ay dalbato 3-da dhibcood ee kulanka maadama ay Man United sabab u tahay in la baajiyo kulanka oo dhici lahaa.

Laakiin Liverpool ayaa go’aansatay in ayna FA-ga ka dalban in la siiyo 3-da dhibcood ee kulanka laakiin doonaysa in ay shaqaysato waliba kulanka la ciyaarto Man United wakhtiga loo go’aamiyo.

Liverpoo ayaa FA-ga u sheegtay in ayna doonayn in la siiyo 3-da dhibcood ee kulanka iyaga oo aan ciyaarin si loogu ganaaxo kooxda Man United oo ay taageerayaashoodu sababeen in la baajiyo kulanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here