Hordhac: Real Madrid Vs Osasuna

0
387

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda Real Madrid ayaa marti galin doonta kooxda Osasuna kulan ka tirsan todobaadkii 33-aad ee horyaalka La Liga kana dhici doona garoonka Alfredo Di Stefano.

Los Blancos ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay sii wadaan tartanka ay ugu jiraan horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan iyaga oo 2 dhibcood ka dambeeya hogaamiyayaasha.

Sidoo kale kooxda Madrid ayaa doonaya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha kadib markii ay bar-baro galeen labadii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan.

Zidane ayaa la filayaa in uu is badal weyn ku sameeyo shaxdiisa maadama uu hal il ku hayo kulanka lugta 1-aad ee bartamaha todobaadka ee champions League.

Kulanka: Real Madrid Vs Osasuna

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 10:00

Garoonka: Alfredo Di Stefano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here