Man City oo guul soo laabasho ah kaga soo gaartay PSG garoonkeeda Parc des Princes

0
347

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Manchester City ayaa guul soo laabasho ah kaga soo gaartay PSG garoonkeeda Parc des Princes kulanka lugta hore afar dhammaadka Champions League, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Paris Saint-Germain.

Daqiiqadii 15-aad Paris Saint-Germain ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay kabtanka kooxda ee Marquinhos, kaddib markii uu caawin gees ka laad ah ka helay saaxiibkiis Angel Di Maria.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

64 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa dhalisay goolka bar-bardhaca waxaaxaana 1-1 ka dhigay Kevin De Bruyne oo caawin ka helay saaxiibkiis Oleksandr Zinchenko.

Daqiiqadii 71-aad kooxda Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-2 ka dhigay xiddigooda Riyad Mahrez.

77 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay xiddiga kooxda Paris Saint-Germain ee Idrissa Gana Gueye ayaa qaatay kaarka roosaha oo toos aah, kaddib markii uu taako xun ku qabtay İlkay Gündoğan.

Ugu dmabeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1-2 ay kaga soo adkaatay Manchester City kooxda Paris Saint-Germain oo ay ku booqatay garoonka Parc des Princes, kulankii lugta hore wareega Afar dhamaadka ee tartanka UEFA Champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here