Kooxaha Real Madrid iyo Chelsea oo bar-bardhac ku kala baxay kulanka lugta hore ee afar dhammaadka Champions League

0
378

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxaha Real Madrid iyo Chelsea ayaa dhibcaha ku qeybsaday garoonka Alfredo Di Stefano, kulanka lugta hore afar dhammaadka Champions League, kaddib markii ay ku kala baxeen bar-bardhac 1-1 ah.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Real Madrid iyo Chelsea ku kala nasteen bar-bardhac 1-1 ah.

Daqiiqadii 14-aad Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 0-1 ka dhigay Christian Pulisic.

Laakiin daqiiqadii 29-aad kooxda martida loo ahaa ee Real Madrid ayaa la timid goolka bar-bardhac waxaana 1-1 ka dhigay Karim Benzema oo caawin ka helay saaxiibkiis Eder Militao.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-bardhac 1-1 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Real Madrid iyo Chelsea, kulankii lugta hore wareega afar dhamaadka ee tartanka UEFA Champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here