Manchester City oo ku guuleysatay koobka Carabao Cup

0
336

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Waxaa  soo idlaatay ciyaartii kama dambeysta aheyd ee Final-ka Carabao Cup ee dalka England taasoo u dhexeysay kooxaha Manchester City iyo Tottenham Hotspur.

Manchester City ayaa ku guuleysatay koobka Carabao Cup kaddib markii ay ku garaacday kooxda Tottenham Hotspur 1-0, ciyaar aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Wembley.

Qeybta hore ee kulanka Final-ka Carabao Cup ayeey ku kala nasteen labada kooxood Manchester City iyo Tottenham Hotspur bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 82-aad kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-0 ka dhigay Aymeric Laporte oo kubad gees ka laad ah uu soo tuuray Kevin De Bruyne madax kaga faa’ideystay.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1-0 ay kaga adkaatay Manchester City kooxda Tottenham Hotspur kulankii Final-ka ahaa ee Carabao Cup-ka, sky blue ayaa ugu dambeyntii ku guuleysatay koobka tartankan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here