Atalanta oo garoonkeeda Gewiss guul kaga gaartay kooxda Juventus

0
245

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Atalanta ayaa garoonkeeda Gewiss guul kaga gaartay kooxda Juventus, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-0, ciyaar qeyb ka aheyd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Talyaaniga.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey ku kala nasteen labada kooxood Atalanta iyo Juventus bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 87-aad kooxda Atalanta ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay xiddigooda Ruslan Malinovsky, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Josip Ilicic.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1-0 ay kaga adkaatay Atalanta kooxda Juentus oo ku soo booqatay Gewiss Stadium, guuldarradan soo gaartay Bianconeri ayaa ka dhigay inay jadwalka kala sareynta horyaalka Talyaaniga kaga jirto booska 4-aad kaddib markii ay uruursatay 62 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here