Qaramada midoobay oo sheegtay in boqolaal kun oo ruux oo ka qaxay suudan ay gareen dalka Chad

0
199

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Qaramada Midoobe ayaa sheegtay in 1,860 qof oo ka qaxay rabashadihii ugu danbeeyay ee ka dhacay gobalka Daarfuur ee Suudaan inay gareen dalka Chad.

Mas’uul u hadlay Qarmada Midoobe ayaa sheegay in dadkaan oo u badan haween iyo carruur ay u tallaabeen xadka dalka deriska la ah Suudaan ee Chad, iyagoo ka cararaya colaadaha qabiileed ee dhaawan ka dhacay Daarfuur.

Mas’uulka ayaa intaas ku daray in dadka qaxay ay hadda u baahanyihiin meel ay ku hoydaan iyo waxey cunaan.

Dagaalkii ugu danbeeyay ee ka dhacay Daarfuur waxaa ku dhintay 144 qof, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 200 oo qof.

Gobalka Daarfuur waxaa ku badan dagaalada u dhaxeeya qabiilada kuwaas oo inta badan isku dagaala kheyraadka deegaanka.Qaramada Midoobe ayaa sheegtay in 1,860 qof oo ka qaxay rabashadihii ugu danbeeyay ee ka dhacay gobalka Daarfuur ee Suudaan inay gareen dalka Chad.

Mas’uul u hadlay Qarmada Midoobe ayaa sheegay in dadkaan oo u badan haween iyo carruur ay u tallaabeen xadka dalka deriska la ah Suudaan ee Chad, iyagoo ka cararaya colaadaha qabiileed ee dhaawan ka dhacay Daarfuur.

Mas’uulka ayaa intaas ku daray in dadka qaxay ay hadda u baahanyihiin meel ay ku hoydaan iyo waxey cunaan.

Dagaalkii ugu danbeeyay ee ka dhacay Daarfuur waxaa ku dhintay 144 qof, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 200 oo qof.

Gobalka Daarfuur waxaa ku badan dagaalada u dhaxeeya qabiilada kuwaas oo inta badan isku dagaala kheyraadka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here