Liverpool oo garoonkeeda Anfield guul soo laabasho ah kaga gaartay kooxda Aston Villa

0
277

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield guul soo laabasho ah kaga gaartay kooxda Aston Villa, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1, ciyaar qeyb ka aheyd kulammada toddobaadkan ee Premier League.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Aston Villa.

Daqiiqadii 43-aad kooxda Aston Villa ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay xiddigooda Ollie Watkins, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis John McGinn.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

57 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Liverpool ayaa la timid goolka barbardhaca waxaana 1-1 ka dhigay xiddigooda reer Massar ee Mohamed Salah.

Daqiiqadii 90-aad kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa markeeda hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii 2-1 dheesha ka dhigay Trent Alexander-Arnold.

Ugu dmabeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-1 oo Liverpool ay kaga adkaatay kooxda Aston Villa oo marti ugu aheyd garoonka Anfield. Reds ayaa haatan soo fariisatay booska 4-aad ee jadwalka kala sareynta horyaalka waxayna farqi goolal ah ay kaga gashay West Ham United oo ay wadaagaan min 52 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here